Allbanaadir.com
NEWS

Hoyga Netanyahu oo laga kala cararay Markii lagu arkay..

Wargeyska Israa’iil ee Jerusalem Post, ayaa sheegay in nidaamka raadarka inuu soo qabtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo looga shakisan yahay inay leeyihiin Xisbullah

Dayuurada ayaa sawirro iyo muuqaallo ka duubtay guriga Netanyahu ee ku yaalla xeebta Mediterranean-ka ee magaalada Haifa.

Nidaamka difaaca ayaa la sheegay inuu ku guul darraystay inuu wax digniin ah ka bixiyo diyaaradan,  markaa oo si deg deg diyaaraddo kale loo kiciyay lamana helin wax dhaqdhaqaaq drone ah.

Guriga Netanyahu ayaa laga laga cararay markii digniintaas la gaarsiiyey dadkii ku sugnaa iyadoo laga baqay duqeyn inkastoo uusan xiligaas joogin Netanyahu.

Xisbullah ayaa horey ugu guuleysatay inay xog ka aruuriso saldhigyada militariga Israa’iil iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee gudaha Israa’iil, xilligaa oo nidaamyada difaaca Israa’iil aysan wax ka hortag sameyn.

Related posts

Dil goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Fadeexo lasoo daristay Xildhibaanka ugu awooda badan Baarlamaanka dalka Kenya

Cabdi Cade

Shaqo Joojin lagu sameeyay Maareeye Mukhtaar Xuseen iyo Eedeymo culus oo loo jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---