Allbanaadir.com
NEWS

Sida ay Israel ku heshay xogta ay ku dishay Fouad Shukr

Wargeyska Wall Street Journal ayaa shaaciyey xogta sida Israel ku heshay goobta uu ku sugnaa taliyaha ciidamada Xisbullah Fouad Shukr oo dhowaan lagu dilay duqeyn dayuuradaha Israel ka geysteen magaalada Beirut

Wall Street Journal ayaa ku warramay inay u muuqato in la jabsaday nidaamka isgaarsiinta Xisbullah ka hor inta uusan dhicin dilkii hoggaamiyaha militariga Xisbullah, Fouad Shukr, kaasoo la sheegay in ka hor weerarka laga wacay nidaamka isgaarsiinta gaarka ah isagoo loo sheegay inuu ka baxo qeybta saddexaad ee dabaqa oo uu u wareego qeybta toddobaad

Arrintaas ayaa sababtay iney Israa’iil u fududaato inay gantaalka ku dhufato qeybta uu ku sugnaa sarkaalkan.

Weerarkan oo ka dhacay Beirut 30-kii bishii July ayaa lagu dilay Shukr, xaaskiisa, labo haween iyo labo carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 ruux.

Shukr, oo sidoo kale ahaa sarkaal uu Mareykanka raadinayay ayaa loo arkayay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ururka Xisbullah, oo ku hanjabay inay u aargudi doonaan inkastoo aysan illaa hadda wax talaabo ah qaadin.

 

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo kusii jeeda Kismaayo iyo Ujeedka Safarkiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Seminaar ku saabsan barashada Cilmiga Raajada oo lagu qabtay Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo & qaraxyo ka dhacay Magaalada Khartuum

Caydiid Ali
Taboola Ads ---