Allbanaadir.com
NEWS

Konton gantaal oo lagu garaacay Magaalada Ayelet Hashahar

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa gantaallo ku garaacday waqooyiga Israa’iil, kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday magaalada koonfureed ee Nabatiyah oo ay ku dhinteen 10 qof.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ilaa 50 gantaal lagu garaacay magaalada Ayelet HaShahar ee waqooyiga dalkaasi. Ma jiraan wax khasaaraha ah oo ilaa hadda la soo sheegay.

Wasiirka caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad, ayaa sheegay in dhismaha la weeraray ee dalkaasi uu yahay xero ay ku jiraan qaxootiga Suuriya.

Balse Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay weerar ka dhan ah saldhigga hubka ee Xisbullah.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan ayaa sii kordhaysay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsan kooxdaas, kaasoo Xisbullah ay wacad ku martay inay u aargudi doonaan.

 

Related posts

Diiwaangelin casri ah oo loo sameenayo Ciidamada Somaliland oo la daah-furay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay arbacadii Muqdisho

Cabdi Cade

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---