Allbanaadir.com
NEWS

Diiwaangelin casri ah oo loo sameenayo Ciidamada Somaliland oo la daah-furay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa waxa uu maanta ka qayb galay munaasibadda daah-furka diiwaangelinta casriga ah ee ciidamada kala duwan eeĀ  Somaliland oo lagu qabtay hoolka weyn ee ciidanka booliska.

Waxa xusid mudan in ballanqaadyadii ay Xukuumadda cusub ee Wadajir iyo waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen diiwaangelinta, tayaynta, casriyeynta iyo xaq-siinta qaybaha kala duwan ee ciidamada Somaliland.

MadaxweynahaĀ  Somaliland oo munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga diwaangelinta casriga ah ee taariikhiga ah ee ciidamada kala duwan ee JSL (šš¢šØš¦šžš­š«š¢šœ š‘šžš š¢š¬š­š«ššš­š¢šØš§) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo casriyeynta dhammaan ciidamada kala duwan eeĀ  Somaliland.

Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwanĀ  ay yihiin haybadda iyo udub dhexaadka amniga iyo xasiloonidda Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, difaaca xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan CirroĀ  ayaa xusay in ciidamada Somaliland ay yihiin hayy’ad dastuuri ah oo u idman difaaca madaxbannaanida dalka, xagga dhulka, badda ,cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax weyn oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xamse Barre & wafdi uu horkacayo oo u kicitimaya New York

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Mursal & guddiga Maaliyada Baarlamanka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---