Madaxweyne Cagjar oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Saraakiisha ciidanka Liyuu Boolis

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

Cagjar ayaa hadalkan sheegay xillii xalay uu ka qeyb galayey munaasabad lagu dalacsiinayay qaar kamid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidamada Liyu booliska.

Madaxweynaha ayaa ciidamada Liyu booliska iyo ciidamada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

“Waa in aad fulisaan dardaarankeenii ahaa in xuquuqda insaanka la ilaaliyo, oo wixii hore aad qabanayseen ee shaqooyin ahaa ee faraha badnaa aad ku dartaan in dadkii aad ka dhalateen ee aad u dhalteen iyagana aad ka farxisaan darajooyin iyo abaal gudyo baad heli doontaan” ayuu madaxweyne Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidammada booliska.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in tabbabarkii ay qaateen ciidammada booliska iyo Liyu booliska ay wax ka baddali doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -