Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade lagu dilay Baladweyne iyo mid kamid ah ragii dilay oo la qabtay

Xaalada ammaan ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxday, waxaana magaalada gudaheeda ka dhacayay dilal, dhaawac, dhac iyo kufsi loo geesanayo dad shacab ah.

Rag hubeysan ayaa maanta gudaha suuqa Baladweyne waxa ay dil iyo dhac ugu geesteen nin ganacsade ahaa oo halkaasi ku lahaa goob dharka lagu iibiyo, waxaana la sheegay ragga hubeysan in ay dhar ka qaateen ganacsadaha markii uu lacag weediiyayna rasaas ku dhufteen.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ragga hubeysan dhar ka qaateen dukaanka , waxaana milkiilaha dukaankaasi oo lagu magacaabayay Madeer Ibraahim Xasan dableyda weediyay in ay bixiyaan lacagta dharka, halkii uu lacag filayay ayeyna sheegeen goobjoogayaasha in rasaas huwiyeen.

Dableydii dilka geesatay ayaana goobta isaga dhaqaaqay iyada oo loo wada jeedo, waxaana goobta deg deg u gaaray ciidamada amaanka oo halkaasi ku qabtay mid kamid ah ragii hubeysnaa ee dilka u geestay ninka ganacsadaha ah, halka ay ku daba jiraan ragii kale ee baxsaday.

Habeenno kahor magaalada Baladweyne waxaa lagu dilay masuul katirsanaa maamulka magaaladaasi, mana jiro cid laamaha amniga usoo qabteen falalka amni darro ee muddooyinkan dambe kusoo kordhay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse oo abaal-marino siiyey shaqsiyaad iyo ciidamo qabtay hawlo Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo ka shaqeenaya joojinta dagaal dhiig badan ku daatay

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Brunei oo gaaray heshiis iskaashi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---