Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Wiil lagu eedeeyay Dhaqan Fool xun

Fagaare kuyaala deegaanka Shaw oo katirsan gobolka Hiiraan waxaa maanta xukun dil ah lagula fuliyay wiil dhalinyaro ah oo lagu helay dambi ah in uu ku kacay falkii Qowmu luudka.

Maxkamada ay leeyihiin Al Shabaab ayaa ku heshay  Cabdul-qaadir Doolaal Calay oo 15-sano jir ahaa in uu falkii Qowmu luudka kula kacay wiil yar oo lix sano jir ah , waxa ayna Maxkamada sheegtay in wiilkan uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.

Fagaaraha wiilkan xukunka lagula fulinayay waxaa ku sugnaa dadweyne badan oo usoo daawasho tagay, waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan deegaanada ay ka taliso waxa ay xukuno islaami ah ku fulisaa dadka lagu soo eedeeyo dambiyada kala duwan, waxaana marar badan Al Shabaab xukuno dil ah ku fulisayay dad ay dambiyo kala duwan ku eedeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -