Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyaasha ciidanka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray taliyaasha kala duwan ee ciidanka dowlada Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Taliyaasha Milatariga, Booliiska, iyo Asluuba ayaa looga hadlay qaraxyadii xooganaa ee dadka badan ku dhinteen ee jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray taliyaasha ciidanka uu la kulmay in ay si deg deg ah u keenaan warbixin dhameestiran oo ku aadan qaraxyadii iyo weerarkii dadka badan ku dhinteen ee lagu weeraray Hotelka Saxafi.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Farmaajo kala hadlay taliyaasha ciidanka dowlada in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab sidoo kale la xoojiyo amaanka caasimada Muqdisho.

Kulankan deg dega ah uu Madaxweyne Farmaajo maanta la qaatay Taliyaasha ciidanka ayaa kusoo aadaya xili Jimcihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo ay ku dhinteen dad ku dhaw 50-qof oo shacab u badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoobiyaal saakay lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Dowlada oo faah faahisay Sababta looga joojiyay Dhaqaalihii Beesha Caalamka ka heli jirtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Heshiiskii Siyaasadeed ee doorashooyinka Dadban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---