Qaramada Midoobey oo Warbixin ka soo saartey Dhacadii Bariire

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey iyagoo gacan ka heleysa Cilmi baarayaal iyo Hayadaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay iney hoos u dhaceen dhibaatadii iyo tacadiyadii Ciidamada AMISOM u geysan jireen dadka Rayidka ah marka ay howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka amaba lagula dagaalamayo Al Shabaab ka fulinayaan geyiga Soomaaliya.

Hay’adaha Qaramada midoobey ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo ay wehliyaan weeraro dhulka ah oo ciidamada caalamiga ah ee jooga Soomaaliya ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan tan iyo bartamihii sanadkii hore gaar ahaan Intii u dhexeysey 1-dii Septembar 2017 ilaa 31Ogost 2018 ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyey iney qaadeen 31 weerar oo ka dhan ah dagaalyahanada Alshabaab iyo Daacish.

Hay’adaha Qaramada Midoobey waxay kaloo sheegen in qaar ka mid ah wadamada derisku ay Soomaaliya ka geysteen duqeymo cirka ah laakiin ma xaqiijin iney ku dileen dad rayid ah iyo in kale.

Warbixinta QM iyo Hayadaha Xuquuqda Aadanaha waxaa lagu cambaareeyey dil ciidamada Mareykanka oo garabsanaya ciidamada Soomaaliya ay ka geysteen Deegaanka Bariire ee shabeelaha Hoose.25 Ogost 2017 ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo wada jira ayaa weerar ay ku qaadeen Beer u dhow deegaanka Bariire waxa ay ku dileen laba caruur ah iyo dad kale oo rayid ah oo deegaanka aad looga yaqaano.

Si aan kala sooc laheyn dilka dadkaas rayidka ah u adeegsadeen rasaas dhumucoodu yahay 5.56×45 mm. kuwaas oo lagu farsameeyey dalka Mareykanka. ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobey oo ciwaan looga dhigay warbixintii ugu dambeysey ee Soomaaliya.

Gebagebadii warbixinta QM waxaa lagu sheegay in Al Shabaab ay ragaadiyeen gargaarkii Biniaadanimo ee la geyn lahaa koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya halkaas oo ay Shabaabku ku leeyihiin awood muuqata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -