Allbanaadir.com
NEWS

Somalia & Iran oo ka shaqeynaya soo celinta xiriirkii diblomaasi

Soomaaliya iyo Iran , ayaa muujiyay sida ay u daneynayaan inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda, kaddib kulan ay magaalada Jiddah ku yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibadda Iran,Ali Bagheri Kani.

Fiqi ayaa kulankan oo barbar socday shirkii ururka Iskaashiga Islaamka ee dabayaaqadii toddobaadkii hore wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo wada-hadallada bilowga ah, isagoo cambaareeyay ficilada Israa’iil ee ay ka geysanayso Qasa iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Wuxuu ku amaanay Iran taageerada joogtada ah ee qadiyadda Falastiin.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran sannadkii 2016, iyadoo ku eedeysay faragelin gudaha ah, balse tallaabadaas waxaa loo arkay mid ay Soomaaliya kula safatay Sacuudiga oo olole diblomaasiyadeed oo go’doomin ah sannadkaas ku qaaday Iran, Inkastoo ay Riyadh iyo Tehran xiriirka soo celiyeen.

Hadda ficiladii u dambeeyay ee Soomaaliya iyo Iran ayaa muujiyay inay jirto suurgalnimada ay dib u soo celin karaan xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo bishii Maarso ee sannadkan ay Soomaaliya sii deysay 33 kalluumaysato u dhalatay Iran.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Tehran ka dib geeridii ku timid Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed bishii May, taasoo muujineysa inuu isbedel ku imaan karo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Iran.

 

Related posts

Dad loo heesto Weerarkii Nairobi oo Maxkamad kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo:-Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka dooday qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan Muhiim al la qaatay Amiirka dalka Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---