Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo tagay xarunta Interpol (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha ciidianka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ,ayaa safar shaqo ku tagay xarunta guud ee booliiska caalamiga ee loo yaqaan  (Interpol) ee ku taalo Magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Xoghayaha guud ee booliiska caalamiga ee Interpol, General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Interpol  taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminayay taliye Sulub Axmed Firin.

Dowladda Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah booliiska caalamiga ee Interpol ayaa iskaashi kala sameesa dhincyo badan sida  la dagaalanka araggixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta dadka iyo hubka, dembiyada abaabulan, burcad badeedka, kalluumeysiga sharcidarada ah iyo fududeynta is-dhaafsiga xogaha dembiilayaasha caalamiga ah.

Booqashada taliyaha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo qaadatay muddo 3 cisho ah, ayaa waxaa is af-garad laga gaaray sare u qaadista xirfadaha baarista dembiyada, isticmaalka keydadka macluumaadka Interpol  ee kala duwan iyo iskaashiga hawlgallada booliiska caalamiga ah ee INERPOL.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ururka 164 ee Danab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Aboorey

Caydiid Ali

Madaxweynaha Kenya oo loogu baaqay in taageero weediisto Madaxweyne Farmaajo 

Cabdi Cade

Hoobiyaal saakay lagu garaacay xaafado katirsan Muqdisho iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---