Allbanaadir.com
NEWS

Badbaadinta ilmo suuli ku dhacay oo dhimasho sababtay (Sawirro)

Mashaqo ayaa caawa ka taagan xaafada Bisha Cas ee magaalada Laascaanood ka dib markii wiilyar oo ku dhacay Suuli ama musqul duntay ay badbaadintiisa sababtay khasaare kale.

Mid ka mida askarkii ciidanka dabdamiska Laacaanood ee ku hawlanaa badbaadinta wiilka yar oo suuli ku dhacay ayaa geeriyoodey kadib markii uu galay suuliga wiilku galabta ku dhacay.

Askarigan ayaa la sheegay iney neefta ku dhegtay, waxaana sidoo kale la soo werinayaa dhaawaca mid askari kale oo isku dayayey inuu wax badbaadiyo.

Ciidanka dabdemiska ee laascaanood oo dadaal lagu badbaadinayo wiilkaas yar ilaa galabta ku jiray ayaan wali hayn wiilka nolol iyo geeri toonna waxaana sii yaraaneysa rajada laga qabo in la badbaadiyo isagoo nool

Ciidanka ayaa waxay ka celiyeen dadka meeshaas imaanaya si aysan goobta u noqon mid saxcmad badan inta uu socdo howlgalka samatabixinta wiilka yar oo illaa caawa soo gaaray.

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo u digay dadka beenta & caayda ku faafiya baraha Bulshada

Caydiid Ali

UN-ka oo Warbixin cusub ka soo saaray duqeyntii Xalane iyo goobtii laga soo tuuray

Caydiid Ali

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw gaaray Gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---