Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda Wadamada Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea oo shir ku yeelanaya Muqdisho

Madaxda Wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo kulan sadex geesood ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya ayaa isku raacay in mar kale ay isugu yimaadaan kulan kale .

Kulanka Saddexda dhinac yeesheen waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika, waxa ayna Madaxdu dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal.

Madaxda sadexda dal ayaa isku raacay in Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya  uu ku qabsoomo magaalada Muqdisho.

Labo kulan hore ay yeesheen Madaxda sadaxda wadan ayaa gorey uga kala dhacay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, waxaana shirka sedexaad uu ka dhacaya dalka Soomaaliya, inkastoo aan wali la qorsheen xiliga uu shirka sadexaad uu dhacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah Gantaal ridda dheer markii ugu horreysay ku garaacday Tel Aviv

Cabdi Cade

Yaa dambeeya Siyaasada guracan ee boobka doorashada ka socota Somalia?

Caydiid Ali

Wasiir Xassan Shire Abgaal: “Qofkii diida bixinta canshuurta waa Al-Shabaab”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---