Xildhibaanada Koonfur Galbeed oon ku farxin Tanaasulkii Shariif Xasan iyo Sababta keentay

Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan shaaciyay in uu iska casilay xilka Madaxweynaha sidoo kale uu ka tanaasulay in uu u tartamo Doorashada Madaxweynaha.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mucaaradad u muujiyay Shariif Xasan, waxa ayna Xildhibaanada kalsooni iyo garab is taag u muujiyeen Musharax ay taageereyso Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood la sheegay in aysan rabin in dib loo doorto Shariif Xasan, hasa ahaatee Xildhibaanada waxa ay Jeclaayeen in Shariif Xasan uusan ka tanaasulin doorashada uuna tartanka ka qeyb galo.

Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa aad u doonayay in doorashada Madaxweynaha ay noqoto mid xamaasad leh oo ay ku tartamayaan musharaxiin saameyn leh oo bixinaya dhaqaalo badan.

Xildhibaanada waxaa hada lasoo darsay niyad kadib ay ka qaadeen tanaasulkii Shariif Xasan, waxa ayna hada rumeesan yihiin in aysan dhaqaalo badan oo horey u filayeen aysan ka heli doonin doorashada soo socota oo lasii ogyahay cida ku guuleesaneysa.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey loo calaamadeeyay in ay dhacdo 17-ka bishan, hasa ahaatee waxaa loo badinayaa in doorashada dib u dhacdo maadaama ay inta badan is casileen Guddigii doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -