Raisul Wasaare todobaadyo ka hor la riday oo mar kale xilka ku soo laabtay

Raisal Wasaarihii hore ee Sweden Stefan Loven ayaa mar kale dib ugu soo laabtay xilka kadib markii dhawaan xubnaha Baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdeen.

Stefan ayaa xilkaasi ku soo laabtay maadaama uusan jirin Xisbi kale oo awood u leh inuu dowlad cusub soo dhiso.

Xarunta Barlamaanka oo ay ku sugnaayeen Xubnaha Baarlamaanka ee Xisbiyada ayay codeyntu ka dhacday waxaana mar kale loo codeeyay inuu xilkaasi ku soo laabto.

Ma jirin xal kale oo furan marka laga reebo in wadanka uu doorasho aado taasoo keeni kartay in Dowladu uga baxo qarash badan oo aysan kasoo kabsan karin xiligan oo lagu jiro xaalada la dagaalanka Covid 19.

Dowlada iyo Xisbiyada kale wali maysan xalin arinta ka dhalatay khilaafka xilka looga qaaday Stefan ee ku aadan cida awooda u leh kireynta guryaha laakiin waxaa la filayaa in sidii hore la isaga soo dhowaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -