Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyadii Muqdisho oo lagu weeraray Labo Hotel iyo Xarunta CID-da iyo rasaas la maqlayo

Wararkii ugu dambeeyay oon ka helnay qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyada lagu weeraray labo Hotel oo kuyaala Agagaarka Isgooska KM-4 iyo xarunta CID-da.

Qaraxa koobaad ayaa la sheegay in lagu dhuftay Hotelka Saxafi oo kuyaala agagaarka Isgooska KM-4. waxaana labo daqiiqado kadib qarax labaad oo aad u xoogan lagu dhuftay darbiga Xarunta Dambi baarista CID-da oo ku dhaw Hoelka Saxafi.

Sida ana Wararka ku helnay qarax sadexaad ayaa isna lagu weeraray Hotelka Hayat oo ku dhegan Hotelka Saxafi, waxaana qaraxa lagu weeraray Hotelka Hayat uu ka dhacay koontarool laga galo Hoteelkaasi.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlay halka ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dabley hubeesan ay qeyb ka yihiin weerarka goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sadexda qarax ee goordhaw dhacay ayaa lagu waramayaa in dhamaan loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday Hoteelada iyo CID-da.

Qaraxyadan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada, waxaana gabi ahaan xiran aagii ay ka dhaceen qaraxyada xoogan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxyadan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Video:-Caruurta ku nool England oo la barayo waxyaabaha GALMADA la xiriira iyo Soomaalida oo ka qayliyay!!

admin

DEG DEG: Dab goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---