Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo qaabilay Joseph Ntakirutimana iyo wafdi la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka.

Related posts

Taliska Milatariga qeybta 60aad oo amar lagu siiyay in ay bilaabaan Dagaal ka dhan ah …

Cabdi Cade

Xoogaga Ahlusunna oo galay Dhuusamareeb iyo rasaas goos goos ah oo la maqlayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Guddoomiye hore Cali Jeyte

Cabdi Cade
Taboola Ads ---