Allbanaadir.com
NEWS

Hub iyo maandooriye kala duwan oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, ayaa fuliyay howlgal ay kusoo qab qabteen hub sharcidarro ah, maandooriyaal nuucyo kala duwan leh iyo qaar kamid ah dadkii ka ganacsanayay.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada oo helay xogta goobahan lagu iibinayay maandooriyaha khamriga, calaqa, xashiish iyo kaniiniyaal ayaa weeraray, waxa ayna halkaasi kusoo qabteen maandooriyaashii lagu iibinayay iyo hubkii lagu ilaalinayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo tagay xarunta saldhigga degmada Cabdicasiis ayaa ammaanay maamulka degmada iyo ciidamada ee fuliyay howlgalka lagu soo qab qabtay maandooriyaasha iyo sidoo kale hubka sharcidarada ah.

Madaale ayaana sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka socdaan howlgallo lagula dagaallamayo maandooriyaasha, tuugada , ciyaal weerada iyo cid kasta oo falal amni darro abuureysa dhibaatana ku heysa bulshada Soomaaliyeed.

Degmada Cabdicasiis oo kutaalla xeebta Liido ayaa la tilmaamaa in ay tahay meelaha ugu badan ee lagu isticmaalo maandooriyaha, waxaana halkaasi ku yaalla xarumo lagu iibiyo laguna isticmaalo maandooriyaasha qaarkood sida khamriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiska Hanti Dhowrka Guud oo War ka soo saaray heshiiskii uu saxiixay Wasiirka batroolka

Caydiid Ali

Daawo:-Ma runbaa in mooshin ka dhan ah madaxwewne Farmaajo la diyaarinayo & Cumar Finish oo xilka …

Cabdi Cade

Wiil 12 jir ah iyo dad kale oo aano qabiil loogu dilay degaan ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---