Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Taliska Milatariga qeybta 60aad oo amar lagu siiyay in ay bilaabaan Dagaal ka dhan ah …

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa kulan la qaatay sarakiisha ciidanka xooga dalka qeybta 60aad oo horkacayey taliyaha qeybta 60aad CXD Generaal Maxamed shekh Cabdulaahi Ciirow.
 
Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guutada 9aad Qeybta 60aad iyo Taliyaha Qeybta 60aad CXD ka dhagaystay Warbixin ku Qotonta Xaalada Ciidanka Xooga Dalka iyo Howlgalada ay Fuliyaan.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Sarakiisha Ciidanka Xooga Dalka uga Mahadceliyey shaqa adag ee ay uhayaan Shacabka.
 
“Waan idinkaga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee aad uhaysaan shacabka gobolka bakool waxaa muhiim inaad bilowdaan howlgalada lagu bacsanayo argigixisada alshabaab ee dhibatada ku haya guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool gobolka bakool.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Faray Saraakiisha Guutada 9aad qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka inay bilaaban Howlgalo ka dhan ah Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoraal lagu xusayo Saadam Xuseen oo lagu arkay xaafad kutaala London (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo kulan aan Caadi aheyn maanta yeelanaya iyo Go’aanada laga yaabo in ay…

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo iska dhega tiray digniinta Mucaaradka & Qoor-qoor oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---