Farmaajo oo ka qeyb galaya kulan Saddex geesood ah oo beri ka furmaya dalka Itoobiya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Berri oo Jimce ah u ambabaxo Magaalada Gondar ee Dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’asul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay dalalka gobolku ku yeesheen Magaalada Asmara ee dalka Eretrea labo Bilood ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -