Allbanaadir.com
NEWS

Goobo gabaad u ahaa Al shabaab oo la burburiyey (Sawirro)

Ciidanka Kumandoska Danab ee XDS ayaa sheegay iney burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen Al shabaab oo ku yaalay Tuulo lagu magacabo Xaliimo cadey oo hoostagta Degaanka Buulo xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose.

Ciidanka ayaa intiiĀ  hawlgalku Socday waxay Al shabaab ka dileen dhowr dagaalyahan, iyagoo soo bandhigay hubkii ay ka furteen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay iney ku raad joogaan xubno kale oo ka firxaday goobtaas kuwaasoo u baxsaday dhulka howdka ah ee ku dhow degaankaas.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii ku dhowaad 100 dagaalyahan looga dilay Al Shabaab degaanka Buulo Xaaji iyo degaanada ku dhow ka dib markii lagu jebiyey weerar ay soo qaadeen.

Related posts

Ciidanka Booliska DF oo ka falceliyey dilkii Afgooye loogu geystay Cumar Carabey

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo taageertay dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda !!

Cabdi Cade

(Akhriso) Midowga Musharixiinta oo digniin adag ka bixiyey talaabo ay damacsan tahay DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---