Allbanaadir.com
NEWS

Fiisaha Schengen ee la siin jiray Soomaalida oo la adkeeyay iyo dadkii ku baxay oo…

Midowga Yurub ayaa adkeeyay wax badana ka baddelaya bixinta fiisaha ama dal ku galka loo yaqaan Schengen, kaddib markii ay bateen dadka Soomaaliyeed ee dalbanaya fiisahan iyo sidoo kale dadka kale ee isaga dhiibaya qaar kamid ah dalalka Yurub ay ku tageen.

Shabakadda Allbanaadir ayaa shalay baahisay in ay kordheen dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha dowladda ee safaarada Talyaaniga ee Muqdisho ka dalbanaya fiisaha Schengen, kuwaa oo ku tagaya dalalka Yurub ayna qaarkood iska dhiibeen  ,halkii fiisaha lagu siiyay in ay soo laabanayaan maalmo kaddib.

Qoraal rasmi ah oo uu guddiga Midowga Yurub soo saaray  ayaa lagu sheegay in dhawaan guddiga loo gudbin doono  tallaabooyinka Soomaaliya laga qaadayo ee dhanka fiisaha, kadibna dalalka xubnaha ka ah ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.

”Marka laga yimaado tillaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen Midowga Yurub iyo Waddamada xubnaha ka ah ee lagu wanaajinayo iskaashiga dib-u-celinta iyo in la tixgeliyo xiriirka guud ee Midowga Yurub uu la leeyahay Soomaaliya, haddana waxaa loo arkaa in wadashaqeynta Soomaaliya iyo Midowga Yurub aysan ku filneyn intan , loona baahan yahay in tallaabo kale la qaado” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaana la filayaa in tallaabooyinka cusub uu qaadayo noqdaan kuwa uu ku adkeenayo qaadashada fiisaha loo yaqaan Schengen , waxa uuna tallaabooyinkan oo kale horey ugu soo rogeen dalal badan oo dadkooda ku xadgudbeen qaadashada fiisahan.

Sida la filayo Soomaalida dooneysa in ay helana fiisaha Schengen ayaa lagu xiri doonaa shuruudo adag ay kamid yihiin bixinta lacag badan , waxaa sidoo kale codsiga fiisaha ay jawaabta ku heli karaan laga dhigi doonaa 45 maalmood , halka markii hore aheyd 15 maalmood, waxaana badan doona dadka loo diido in la siiyo fiisaha.

Fiisaha Midowga Yurub ayaa horey looga mamnuucay dadka heesta baasaboorka Itoobiya, halka sidoo kale iyana lagu adkeeyay qaadashada fiisaha Schengen dalka Gambia oo dadkiisa xadgudub sameeyeen, waxaana hadda waddadaasi ku socota Soomaaliya oo la adkeyn doono qaadashada Fiisaha Schengen.

Soomaali badan oo ku baxday fiisaha Schengen una badan shaqaalaha dowladda ayaa iska dhiibay qaar kamid ah dalalka Yurub, waxaana dalka ugu badan ay iska dhiibaan uu noqday Faransiiska , halka dalal ay kamid yihiin Jarmalka iyo Finland ay diidmo siiyeen dadkii ku galay fiisaha Schengen.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale wada dedaalo dalkooda loogu soo celinayo Soomaali badan oo fiisaha Schengen ku galay qaar kamid ah dalalka Yurub, kuwaa oo lagu eedeeyay in aan sifo sharci aheyn isku dhiibeen dadkaasi Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Jibriil C/rashiid oo raali gelin bixiyey ka dib cadaadis kaga yimid Ra’isul Wasaaraha

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo booqday xarunta Jaamacadda facawayn ee Naayif Alcarabiyah (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku laayay Deegaanka Mooyaale

Cabdi Cade