Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir xasaasi ah oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa maanta guddoomiyay shir heer wasiirro ah oo looga hadlayay qorshaha xasillinta degaannada laga xorreeyay Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horrayn bogaadiyay ciidammada qalabka sida guulaha wax ku oolka ah ee ay ka samaynayaan furrimaha dagaalka oo ay ugu dambeeyeen Ciidanka XD iyo Daraawiishta Jubbaland oo dhawaan xoreeyey deegaanno ka tirsan Jubbaland.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka xasilinta iyo hawlaha ka qabsoomay deegaannada la xoreeyey.

Waxa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshaha Wasaaradaha ee ku aaddan deegaanadaas sidii loo gaarsiin lahaa adeegga dawladnimada sida Waxbarashada, Cafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Related posts

Soomaaliya oo laga cafiyay lacag ka badan 2 Bilyan oo Dollar iyo Dowladaha cafiyay

Cabdi Cade

Rasaas dhimasho & dhaawac sababtay oo lagu furay gaari rakaab ah

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War cusub ka soo saartay Doorashada iyo Shirka Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---