Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo ka kulmay dad cabashooyin qabay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Duqa Muqdisho ayaa xubnaha uu la kulmay ka dhageystay cabashooyin ay qabeen, taasi oo ku aadanaa sidii shaqo-abuur loogu sameyn lahaa, isla markaana ay xuquuq mushaar ugu heli lahaayeen maamulka gobolka Banaadir maadaama intooda badan ay joogaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) u ballanqaaday xubnaha dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir in ay heli doonaan xuquuq shaqaaleysiin si ay mushaar u helaan.

Ugu dambeyn duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay dadkan baahiyaha gaarka ah qaba in ay doorkooda ka qaataan, isku xirka bulshada, wacyigelinta, dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta caasimadda Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne Deni oo soo saaray wareegto lagu Magacaabay..

Caydiid Ali

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Somalia

Caydiid Ali

Dayuurad gaar ah oo loo dirayo Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyada India

Caydiid Ali
Taboola Ads ---