Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurad gaar ah oo loo dirayo Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyada India

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qorshe dalka dib loogu soo celinayo Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Hindiya oo badankood la siidaayay ka dib heshiis dhexmaray labada dowladood.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in 43 ka mid ah Maxaabiista Soomaalida xabsiyada India laga sii daayey isagoo xusay in dowladda Federaalku ay diyaarineyso dayuiurad lagu soo qaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo.

Maxaabiista harsan ayuu sheegay in la soo deyn doono bisha Febraayo, dowladdana ay ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ay dib ugu soo celin laheyd dalkeeda.

Maxaabiis Soomaalidu ah oo ka badan 100 kuna eedeeysan burcad badeednimo ayaa ku jiray xabsiyada dalka India kuwaasoo lagu xukumay sanado kala duwan, qaarkood xukunkooda wey dhameysteen kuwa kalena xabsiyada dalka ayaa loo soo wareejin doonaa sida ay ku heshiiyeen dowladaha Hindiya iyo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog cusub oo laga bixiyay Gabar Muqdisho lagu waayay oo lagu tuhmayo Taliska NISA

Cabdi Cade

 Sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska oo la meel mariyay

Cabdi Cade

DF oo soo saartay digniin la xiriirta Al-Shabaab & Daacish

Caydiid Ali
Taboola Ads ---