Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Jeff Session

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maraykanka Jeff Session.

Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur oo ah ninka baaraya xiriirka laga yaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dowladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga oo sheegay in xiliga soo socda la magacaabi doono qof si joogta ah xilka u qabta.

Mr. Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto, taasoo uu horay uu diiday, isaga xitaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray Madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Magacyada qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Natiijada doorashadii Faransiiska oo la shaaciyey iyo Madaxweyne Macron oo.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo xukun cusub ku riday kalluumeysato ajnabi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---