Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda jiirsiiyey askari Soomaali ah

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa gaadiidkooda jiirsiiyey askari ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in askariga gaariga la jiirsiiyey uu isla goobta ku qurbaxay.

Gaadiidka ay wateen ciidamada Kenya ayaa la sheegay ineysan u joogsan askariga ay jiireen, ayna iska sii wateen socodkooda.

Shacabka magaalada Kismaayo oo dhacdadan hadal hayey saacadihii la soo dhaafay ayaa si weyn uga carooday falkaas, iyadoo maamulka Jubbaland aysan ka hadlin arrintan.

Ciidamada dalalka badan ka socda ee AMISOM ayaa marar badan geysta gaboodfalo ay kula kacaan Soomaalida, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii ciidamada AMISOM ay afar qof oo shacab ah ku dileen Muqdisho ka dib markii qaraxyo lala beegsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo si rasmi ah xilka ula wareegay(Daawo Sawirada)

admin

Ciidamada xasilinta oo saaka ka guuray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Taliye Saadaq John iyo ciidamo uu wato oo fariisin cusub ka sameystay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---