Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ajnabi ka tirsanaa Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka degaanka ayay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah xoogaga Al shabaab oo ka qeyb galay dagaalkii ka dhacay degaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan

Ninkan oo la sheegay inuu yahay ajnabi ka soo jeeda qowmiyada oromada ayaa waxaa jirkiisa qeybo ka mid ah ku taalla shaabad laga sameeyey Taatuu.

Ninkan ayaa haatan ku xiran xabsi ku yaalla degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan

“Maleeshiyaad khawaarijta ayaa inta badan waxay ku Adeegtaan dadka dambiyada ka soo galay waddamada ay ka soo jeedaan ninkana kuwaas ayuu ka mid yahay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga.

Waxaa uu sheegay iney ku socoto haatan ninkan baaris, dhowaana ay soo taagi doonaan Maxkamad si ciqaabka uu mudan yahay loo marsiyo.

Related posts

Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Xamse Warfaa oo Kismaayo gaaray

Cabdi Cade

Xasan Sheekh ” Kuwa shiidka ka cabanaya waa kuwii Al Shabaab lacagaha u uruurin jiray”

Cabdi Cade

Toogasho lagu dilay Askar katirsan ciidamada ATMIS oo ka dhacday Xarunta Xalane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---