Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho lagu dilay Askar katirsan ciidamada ATMIS oo ka dhacday Xarunta Xalane

Askari katirsan ciidamada nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa saddex askari oo kala tirsanaa howlgalka ATMIS ku dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa ku warantay in askariga katirsan ATMIS shalay oo isniin ah afaafka hore ee xarunta taliska ATMIS ee Xalane ku dilay saddex askari oo shaqo wadaag ahaayeen.

“Eedeysanaha, ayaa fiidnimadii isniinta isku dhaceen saaxiibkiis Lance Corporal. Abbaaro 5:45 subaxnimo, ayuu saaxiibkiis toogtay. “Markii uu ku soo laabanayay booskiisii, wuxuu la kulmay nin kale oo ay wada shaqaynayeen, wuuna toogtay. Askari kale oo u soo baxay inuu arko waxa dhacaya isagana waa toogtay,” ayuu yiri qof dhacdadan si dhow ula socday.

Askariga toogashada geestay ayaa markii dambe gacanta lagu dhigay kaddib markii ay rasaasta ka dhammaatay, waxaana askarigan lagu xiray xabsi gaar ah, iyadoona socdaan baaritaano lagu sameenayo sababta toogashada keentay.

Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda Brig Gen Felix Kulaigye ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inuu xiran yahay askariga dilka geystay lana horgeyn doono caddaalada.

Related posts

Prof. Geeddi: “Siyaasiyiinta dalkan soo hogaamiyey waa iney hoos u dhigaan Xasarada”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay dib u dhiska Tuulada Ciyaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade

Amaanka Muqdisho oo sii xumaanaya iyo Walaac xoogan lasoo darsay dadka Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---