Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Renee Van Weerdt (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa hay’ada WHO ee Soomaaliya Renee Van de Weerdt iyo wafdi ay hogaaminayso.

Kulanka ayaa lagaga hadlay in la kordhiyo tageerada WHO ee Jubaland iyo sidii loo dardar galin lahaa in Adeegyo Caafimaad ay helaan dadka ku nool deegaanada la xoreeyay iyadoo howshaas ay ka wada shaqaynayaan Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland iyo hay’ada WHO.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Ismaaciil Garas iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Eng Ismaaciil Axmed Garas ayaa xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay wafdi kasocday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Wafdiga kasocday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO waxaa hogaaminaysay haweenayda u saraysa xafiiska WHO ee Soomaaliya waxaana wehelinayay xubno kale oo muhiim ah oo Hay’adda katirsan.

Soo dhaweyn kadib waxa ay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland kulan kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo qaar kamida howlwadeenada kale ee Wasaaradda, kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta wadashaqaynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO, sare u qaadista tababarada ay siiyaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo arimo kale.

Related posts

Maraykanka oo liiska madow ku daray shirkad caan ah oo Israel laga leeyahay

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo Shaaciyay cida qaadeysa Masuuliyada dagaaladii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo shaqada laga joojiyey & dembi culus oo loo heysto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---