Allbanaadir.com
NEWS

Dood cilmiyeed lagu qabtay Machadka Diblomasiyadda & Tababarada

Dood cilmiyeed ku saabsan “Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo ka jawaabisteeda caqabadaha heer goboleed iyo Caalami” ayaa lagu qabtay xarunta Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababbarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia.

Waxaa lagu soo bandhigay waayihii taariikheed ee diblomaasiyadda dalka ay soo martay iyo caqabadaha ay wajahday heer gobol iyo caalami.

Agaasimaha Machadka Maxamed Maxamuud Guure ayaa ku soo dhoweeyay madasha Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle, oo doodda fallanqaynayay, kana faalloonayay mowduuca, iyadoo ka qeybgalayaasha ay su’aallo weydiiyeen.

Agaasimaha cusub ee Machadka ayaa dardargelinaya howlaha loo igmaday si sare ugu qaado waxqabadka iyo tayada .

Related posts

Ganacsatada Soomaalida ee Suuqa xaafada Islii oo bilaabay shaqo joojin (Sababta)

Caydiid Ali

Digniin adag oo loo diray ciidamada ilaaladada Madaxtooyada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo sanad ka dib ku wajahan Garoowe & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---