Ciidanka DF oo weeraray Kontrol Al-Shabaab dhigatay Jidka Buur hakaba & Baydhabo

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  burburiyay jidgooyo iyo xarun al-shabaab ku lahayd degaanka Jameeco ee gobalka Bay, halkaasoo ka mid aheyd goobaha ay ka cuna qabateeyeen Magaalada Baydhabo.

Hawlgalkan oo la sheegay inuu dhacay maqribnimadii caawa ayaa lagu dilay 15 ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saddex sarkaal sida ay baahisay warbaahinta DF.

“Waxaa gabi ahaan la burburiyay jidgooyadii Khawaarijta waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen” ayaa yiri sarkaal la hadlay Warbaahinta

Waana hawlgalkii labaad oo muddo 24 saac ah ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba halkaasoo Al-shabaab ay isku dayaysay inay xanibaan gaadiidka ganacsiga.

“Ciidanka Xoogga oo ka jawaabaya isku dayga Khawaarijta ayaa wada hawlgallo lagu beegsanayo jidgooyooyinka xaaraanta ah ee Khawaarijta” ayaa lagu yiri warka ka baxay warbaahinta DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -