Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Masoud oo shaaciyay hadal ka farxiyay Xamaas

Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Iran Masoud Pezeshkian, ayaa wadahadal dhinaca telfoonka ah la yeeshay hoggaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas Ismail Haniyeh, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa hoggaamiyaha ururka Xamaas u xaqiijiyay in arrinta qadiyadda Falastiin ay noqon doonto mudnaanta dowladiisa, waxa uuna taageero iyo garab istaag u muujiyay ururka Xamaas ee dagaalka kula jira Isra’il.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Iran ayaa sheegtay in Madaxweynaha cusub ee dalkaasi uu cambaareeyay weerarkii dhawaan ciidamada Isra’il ku qaaday degmada Khan Younis ee Marinka Gaza, weerarkaasi oo lagu dilay dad badan oo shacab ahaa.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Iran Pezeshkian ayaa adkeeyay  in qadiyada falastiiniyiintu oo ah arin muhiim u ah caalamka islaamka ay muhiimad gaar ah u leedahay dawladiisa, waxa uuna sheegay in qadiyadaasi dhinacooda garab taagan yihiin.

Dowladda Iran ayaa si weyn u taageerta ururo ay kamid yihiin Xamaas, Xisbullaah iyo Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaana Madaxweynaha cusub ee Iran loo doortay xiriiro dhinaca telfoonka la sameeyay madaxda urururdaasi oo xiriir dhaw la leh Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad reer galbeed ah oo shaacisay iney qaadaneyso hal milyan oo Qaxooti ah

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Nairobi noqotay meel looga soo duulo dalka

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kooxaha Gurmadka deg dega ee Muqdisho iyo Gaadiidka ay adeegsadaan oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---