Puntland oo ka hadashay sida laga yeelayo Dadkii Kheyre kusoo dhaweeyay Gaalkacyo iyo Lacagtii uu …

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur , ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayay oo sheegayay in maamulka Puntland talaabo ka qaadayo dadkii Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Axmed Muuse ayaa beeniyay wararka sheegaya in magaalada Gaalkacyo gaareen ciidamo ka tagay magaalada Garawe oo loogu tala galay in ay xir xiraan dadkii Waqooyiga Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Kheyre.

“Dadkii Ra’isul Wasaare Kheyre soo dhaweeyey danbiilayaal maaha, dad la xidhayaana majirto, ciidan Gaalkacayo yimi ma jiro, wixii is maandhaaf ahna wada-hadal ayaan ku dhameysanaynaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale beeniyay in dib loo celinayo lacag dhan $220Kun dollar oo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku taageeray dayactirka garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee Gaalkacayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili amar kasoo baxay Madaxweynaha Puntland lagu xir xiray Gudoomiyaha iyo xubno kale oo katirsanaa Guddiga Hagaajinta Wadada Bartamaha Boosaso, kadib markii deeq lacag ah ay ka heleen dowlada federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -