Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo tartan yaab leh kaga qeyb galaysa Marooko (Sawirro)

Xiriirka ciyaaraha Soomaaliyeed ee Elektronikada (E-Somali Sports Federation (ESSF) ayaa dalka Morocco uga qeyb galay tartanka PUBG-Mobile oo ah ciyaar game nooca dagaalka ah

Waxaa tartankaasi wadajir ah u soo qaban qaabiyay International ESports Federation (IESF) iyo African Confederation of Digital Sports (ACDS).

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 17 wadan oo Afrikaan ah, Iyadoo Kooxda dhallinyarada ah ee Soomaaliya ku matalaysa tartankan laga filayo inay guul kasoo hoyaan ciyaarta PUBG Mobile.

Ciyaartan oo ah  mid game ah oo laga cayaaro mobileda ayaa caan ka ah Soomaaliya iyo caalamka intaba, waxaana dad badan ka yaabiyey in ciyaartan loogu tartamo heer caalami ah, ayna jiraan xiriiro ka shaqeeya abaabulkan ciyaarahan.

Related posts

C/raxmaan C/shakuur: “Weerarka la igu soo qaaday wixii ka yimaada Farmaajo ayaa qaadaya”

Caydiid Ali

Ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland oo u goostay dhinaca Somaliland

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci Muhiim u ah dhaqaalaha dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---