Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Sabool ah oo dib u celiyay lacag aad u u badan uu ka helay goob cidlo ah (Sawirro)

Nin sabool ah ah oo u dhashay dalka Benin ayaa lagu tilmaamay nin halyey oo daacad ah ,kaddib markii qofkii lahaa dib ugu celiyay lacag aad u badan uu ka helay goob cidlo ah uu socod ku marayay.

Baraka Amido oo 37 jir , ayaa lacag gaareysa14 milyan oo lacagta Faranka ee dalka Benin oo ku jirta boosro helay xilli uu kasoo laabtay beertiisa, waxaana lacagtaan iska lahaa nin dalxiis iyo ganacsi halkaasi u joogay.

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay naftiista iyo iimaankiisaba u diideen in uu qaato uuna cuno lacag uusan laheyn sidoo kale uusan shaqeesan, waxa uuna cadeeyya in uu go’aansaday in qofkii lahaa lacagtaasi dib ugu celiyo.

Guddomiyaha gobolka Borgu ee dalka Benin Mudane Jibriil Ciise ayaa sheegay in arrinta uu ninkani sameeyay ay tahay mid ku dayasho mudan, iyada oo uu sheegay in dadkii inta badan ay aqlaaqdii iyo dhaqankii wanaagsanaa ka tageen dhowaanahan.

Ninkan dad badan layaabeen ficilkiisa iyo daacadnimadiisa ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf ,ninkan ayaa sidoo kale diiday lacag boqol kun oo Faran oo abaalmarin ah, isaga oo markii dambe lagu dirqiyay in uu aqbalo konton kun oo Faran.

Caalamka waxaa kusii yaraanaya dadka daacada ah ee dib u celiya lacagaha iyo hantida aysan laheyn, waxaana sii kordhaya dadka shaqada ka dhiganaya in ay cunaan ayna xadaan xoolo aysan laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo ka hor timid go’aan dhowaan ka soo baxay Wasarada Waxbarshada DF

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Danjire Maxamed Rashiid (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---