Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab oo saakay socda

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland  ayaa saaka oo Arbaco ah howlgal dib u xoreyn ah ka wada deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno howlgalka oo ah mid qorsheysan ayey ciidamada ku baacsanayaan dagaallamayaal ku sugan deegaannada howlgalka ka socdo, waxa ayna ciidamada doonayaan in aagaasi ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalka ay saakay bilaabeen la sheegay in horudhac u yahqy howlgallo la doonayo in maalmahan kooxda Al Shabaab looga saaro degmooyinka Xagar iyo Jamaame iyo sidoo kale deegaanno kale oo kooxdaasi maamulaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa gobolka Jubbada Dhaxe, waxa ay sidoo kale kooxdaan maamushaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Jubbada Hoose, waana saldhigga ugu weyn Al Shabaab gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka dowladad Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaana dhawaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-Xaaji oo fariisin muhiim u ahaa kooxdaasi, waxa ayna ciidamada hadda wadaan dhaqdhaaaqyo kale ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanno hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho iyo Qaar kamid ah Madaxda maamulada oo shirka ka baxay

Cabdi Cade

Markab weyn oo sida Shidaal oo kusoo xirtay Dekadda Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu ka dhiganyahay Kulanka Musharax Khayre iyo Sergey Lavrov?

Cabdi Cade