Allbanaadir.com
NEWS

Baabuur badan uu lahaa Maamulka Puntland oo la xaday lana raadinayo

Masuuliyiin kala duwan oo katirsanaa hay’adaha kala duwan eeĀ  maamulka Puntland lagana qaaday xilalkii ay horey u hayeen ayaa lagu soo waramayaa in wali heestaan qaarkoodana la baxsadeen gaadiid maamulka lahaa, kuwaa oo la doonayay in ay wareejiyaan marka ay shaqada ka tagayeen.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowrka maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay in ay jiraan gaadiid badan oo ka maqan gacanta maamulka Pumtland, kuwaa oo la sheegay in qaarkood la dhacay, halka kuwa kalana wali si sharcidarro ah ku heestaan masuuliyiin hore.

Hantidhowrka Puntland ayaana ku amray dadka wali heesta gaadiidka maamulka in si deg deg ah usoo wareejiyaan baaburtaasi inta ka horreysa 16-ka bishan, waxaana ciddii aan ammarka qaadan liiskooda la sheegay in loo gudbin doono laamaha garsoorka iyo amniga si loo soo qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Beesha Caalamka oo kala fur fureysa maamulada Villa Somalia taabacsan iyo Ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Falastiiniyiin badan oo maanta la laayay Xili Safaarada Mareykanka Qudus laga furayayĀ 

admin

Daawo Sawirada: Xarunta Degmada Howl-Wadaag oo si qurux badan loo dhisay xarigana laga jaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---