Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Israel oo mudeysay xiliga uu hor imanayo Netanyahu

Maxkamadda Israa’iil, ayaa u mudaysay 2 bisha December 2024, inuu hor yimaado Netanyahu si dacwada la xiriirta musuq maasuqa ee loo heysto dib loogu furo, xilligaa oo ay maxkamadda keeni doonto caddeymo la xiriira eedeymaha musuq maasuqa ee Netanyahu.

Laba toddobaad ka hor, qareenka ka difaacaya dambiyada Netanyahu ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu u baahan yahay ugu yaraan March 2025 sababtoo ah dagaalka ka socda Qasa.

Hase ahaatee xeer ilaaliyaha guud ayaa dib codsigaa u celiyay, kaddib markii uu sheegay marxaladda hadda lagu jiro inaysan waxba u dhimeyn in kiiskan dib loo furo.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka gaarka ah ee Netanyahu uu u doonayo inuu socdo dagaalka Qasa, ayaa lagu eedeya inay tahay hab uu ku doonayo inuu uga baxsado kiisaska musuq maasuqa ah ee loo heysto

Ka hor 7dii Oktoobar markii uu dhacayey weerarkii Xamaas, waxaa ka socday gudaha Israa’iil bannaanbaxyo waaweyn oo lagu dalbanayay Netanyahu inuu xilka ka deggo, isla maalinta weerarka uu dhacay maamulka Netanyahu ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay isku soo baxyada, sababo la xiriira dagaalka.

Wuxuu hadda la kulmaya marxalad aan horey u soo marin Netanyahu, qoysaska maxaabiista ayaa xiray waddooyinka Tel Aviv, iyagoo u diidday wasiirrada inay ka soo baxaan guryahadooda, saraakiisha militariga ayaa u sheegay inaysan sii wadi karin dagaalka, halka Mareykanka uu ka hor istaagay, sabab uu dagaalka ku dheereyn karay Netanyahu, oo dejiyay qorshe lagu weerarrayo Lubnaan

Related posts

Taliyaha Danab oo ka hadlay Wararka Sheegaya in Ciidankooda ka dagaalamayaan Laascaanood

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Mahdi Guled “Somaaliya Way Kagudubtay Waqtigii Masuul Soomaliyed uu Ku Shaqeeyn jiray Fikirka dal kale !!

admin