Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay Xaalada Jigjiga & Wararkii ugu dambeeyey

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Itoobiya ayaa war kasoo saartay xaaladda ka taagan Magaalada Jigjiga ee is-maamulka Soomaalida oo falal amni darro iyo bililiqo ah ay ka dhaceen.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa lagu sheegay inay qaadeyso tallaabo kasta oo xaaladda magaalada Jigjiga loogu soo celinayo kala dambeyntii iyo nidaamkii ka jiray, iyadoo ciidamada degaanka ay uga sii darayaan xaalada.

Wasaaradda waxay ka digtay inay adeegsan doono awood kasta oo sharciga u saamaxayo sidii ay u joojin lahayd qaska iyo fowdada ka jirta magaalada xarunta u ah maamulka degaanka Soomaalida Itoobiya.

Warkan oo laga sii daayey teleshanka dalkaasi ayaa lagu caddeeyay in ciidamada difaaca Itoobiya ay si dhow ula socdaan xaaladda magaalada Jigjiga, isla markaana aysan u dul qaadan doonin falalka amni darrada ah ee ka socda.

Dhinaca kale sida uu qoray wargeyska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ciidamada militariga Itoobiya ayaa ku hareereysan madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wargeyska ayaa qoray in ciidamada labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku hareereysnaayeen Madaxtooyada magaalada Jigjiga.

Wargayska oo soo xiganaya ila wareedyo ayaa sheegaya in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay gacanta ku dhigi doonaan ciidamada.

Wargayska ayaa sheegay in arrintasi loo samayn doono si looga hortago dhiig kale oo ku daata gobolka, balse illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya in madaxweyne Cumar lagu hareereysan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in korantada iyo biyaha ay dib ugu soo laabteen magaaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wefdi ka socda Fedaraalka ay tageen magaalada, ayna la kulmeen madax ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya balse Ma cadda ilaa iyo iminka waxa ay ka wada hadleen wefdiga fedaraalka iyo madaxda degaanka.

Xaaladda magaalada ayaa sidii hore dhaanta, sida ay sheegeen dad goob joogeyaal ah, iyadoo Qaybo magaalada ka tirsan lagu arkayo qashin iyo burbur daadsan, kuwaaasoo ka dhashay qaskii maanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -