Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha oo Rekoodh cusub dhigtay (Daawo Sawirada)

Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha, laguna magacaabo You Jianxia ayaa jebisay Diiwaanka Baarka Timaha Indhaha Caalamka oo ay iyadu horey u haysatay ilaa bishii June 28-dii ee sanadkii 2016-kii.
 
Haatan waxay dhigtay Rekoodh cusub, iyadoo cabirka Timaha baarka Isheeda uu haatan gaaray 20.5 cm, halkii uu shan sano ka hor baarka isheeda bidix ka ahaa 12.4 cm.
 
Haweeneyda lagu magacaabo You Jianxia waxay mar labaad gashay Diiwaanka Caalamka ee lagu qoro waxyaabaha Mucjisooyinka Caalamka “The Guinness World Record title”.
 
Inkastoo ay wada dheer yihiin timaha ku yaalla labada baar ee indhaheeda, haddana waxaa aad u sii dheer Timaha Baarka Isha Bidix.
 
“Markii u horeysay waxaan xaqiiqsaday koritaanka timaha baalasha Indhahayga sanadkii 2015-kii, waxay bilaabeen inay si tartiib-tartiib ah u koraan, ilaa ay ka noqdaan kuwo dheer oo sii dheeraada” ayey tiri Haweeneydaasi oo Wareysi siisay Shabakadda
guinnessworldrecords.com.
 
You Jianxia waxay sheegtay inay la xiriirtay Khubarada Caafimaadka si ay u ogaadaan Asraarta ka dambaysa koritaanka timaha baalasha Indhaheeda.
 
Waxay kaloo sheegtay inay isku tijaabisay inay Tafaasiil Cilmiysan, sida Hiddo-sidaha ama wax kale.
 
Si kastaba ha ahaatee, Haweeneyda lagu magacaabo You Jianxia waxay xustay inusan jirin qof ka tirsan Qoyskeeda oo sideeda oo kale Timo dhaadheer ku leh Baalasha Indhaha, iyadoo aan Faahfaahin loo haynin waxa sababay arrinkaasi.
 
W/Q Ustaad Nuradin 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -