Qorshe uu ku dhawaaqay Madaxweyne Trump oo digniino adag laga bixiyey

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegaya in dhowr gobol oo ka mid ah Mareykanka ay furi doonaan dhaqdhaqaaqyada ganacsiyada, iyadoo si taxaddar uu ku jiro looga dhowrsan doono cudurka coronavirus.

Gobollada Texas iyo Vermont ayaa Isniinta berrito ah ogolaan doona in dib loo billaabo ganacsiyo qaar, halka gobolka Montana uu ku xigsan doono Jimcaha.

Madaxweyne Trump oo wariyaasha kula hadlayay Aqalka Cad, ayaa sheegay in hadda la dhaafay waqtigii ugu darneyd ee Coronavirus ee gudaha Mareykanka, balse ma uusan bixin daliil cad oo taasi muujineysa.

Cilmi-baarayaasha Jaamacadda Harvard ayaa ka digay in Mareykanka uu dib u furo suuqyada dhaqaalaha, hadii aysan dowladda saddex jibaarin baaritaanka Caronavirus.

Tirada dadka qaaday cudurka Caronavirus ayaa Axada maanta ah kor u dhaafray 2 milyan iyo 3 boqol oo kun oo qof, iyadoo tirada dadka u dhintay xanuunka ay gaartay 160 kun oo qof, dunida oo dhan, sida ay sheegtay xarunta cilmibaarista Coronavirus ee Jaamacadda Johns Hopkins.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -