Allbanaadir.com
NEWS

Feysal Waraabe oo baaq muhiim u ah u diray Keir Starmer

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa u hambalyeeyay   Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska  Keir Starmer, kaddib markii xisbigiisa ku guuleestay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo guusha Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska, waxa uuna ugu baaqay inuu xoojiyo xiriirka  soo jireenka ah ee dalkiisu la leeyahay maamulka madax-bannaanida raadinaya ee Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in guusha  Keir Starmer ay tusmaynayso inuu fursad u haysto uu dib ugu soo celiyo midnimada iyo adeegyada guud ee dalkiisa UK iyo kor u qaadista heerka iyo mustawaha Ingiriisku ka joogo caalamka.

Waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in uu ka filayo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska inuu xoojiyo xiriirka guunka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo UK, waxa uuna rejo ka muujiyay in uu wanaajin doono xiriirka Somaliland kala dhaxeeyo Ingiriiska.

Guddoomiye Faysa Waraabe ayaa sidoo kale ugu baaqay  Keir Starmer in dawladiisu si togan u soo dhaweyso heshiiska is-faham ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay inuu aaminsan yahay inuu isbeddel weyn oo macno leh ku samayn doono arrimahaas oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay RW Boris Johnson iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Shirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo goordhaw Furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maan-dooriye badan iyo raggii watay oo Muqdisho lagu qabtay iyo Masuuliyiin soo aragtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---