Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay RW Boris Johnson iyo sababta ka dambeysa

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu dalkiisa ka mamnuucday Ra’iisulv Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, talaabadan ayaa timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Ruushka oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine.

Britain ayaa qeyb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu ciqaabayo Ruushka oo ay ka mid tahay xannibaado hantiyeed, xayiraad dhanka socdaalka ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo la saaray Ruushka tan iyo 24-kii bishii February oo ay ciidankiisa ku duuleen Ukraine.

Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ololaha siyaasadeed ee London ee “ujeedkeedu yahay in Ruushka loo go’doomiyo si caalami ah.”

Wasaaradda ayaa ku eedeysay London in ay qaadday “ficillo colaadeed oo aan horey loo arag” taasi oo ay kala jeeddo cunnaqabateynada ay ku soo rogtay saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Xubnaha laga mamnuucay in ay tagi karaan Ruushka waxaa kale oo ka mid ah Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Ingiriiska Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, Ra’iisulwasaarihii hore Theresa May iyo wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

 

Related posts

Fiqi oo la wareegay xilka Wasiirka Gaashaandhiga DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Ra’isul Wasaare Rooble kusoo arkay Jowhar Maxaase laga qaban karaa dhibaatada ka jirta !!

admin

Liiska Musharaxiinta doorasho beri ka dhacaysa Dhuusamareeb oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---