Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo dibadda u baxay iyo Ujeedka safarka oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa safarka uu u aaday dalka  Ciraaq yimid, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Baghdad waxa uu kulamo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq .

Masuuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale kawada hadli doona  sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.

 

 

Related posts

Xiliga iyo goobta lagu aasayo Meydka Marxuum Nuur-cadde oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ciidamo kamid noqonaya Booliiska AMISOM oo imtixaan laga qaaday

Cabdi Cade

Maamulayaasha Iskuullada Muqdisho oo ka cawday Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---