Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xeer ku dhisay sanduuq Qaran una magacaabay Agaasime

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Related posts

Raisul Wasaaraha Somalia oo ka qeyb galay kulan gaar ah oo looga hadlay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Guddiyo katirsan Golaha shacabka oo lagu wareejiyay xafiisyo cusub

Cabdi Cade

Dowlada Canada oo baaq deg deg ah u dirtay Muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---