Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Canada oo baaq deg deg ah u dirtay Muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya

Dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo maleeshiyaad aad u hubeesan oo taabacsan Jabhada TPLF ee ku xoogan waqooyiga dalka Itoobiya.

Qaar kamid ah dowladaha reer Galbeedka ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda in ay isaga baxaan dalka Itoobiya ay xiligan ka socdaan dagaalo dhiig badan ku daatay lagana cabsi qabo in dagaalka ku fido caasimada Itoobiya ee Adis Ababa.

Dowlada Canada ayaa qoraal deg deg ah ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya in ay halkaasi isaga soo baxaan, waxa ay sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan meelaha halista badan ka jirto.

”Hadii aad ku sugan tahay dalka Ethiopia, si degdeg ah uga bax dalka. Awoodda aan ku bixinno kaalmada qunsuliyada ee qaybo ka mid ah dalka aad ayay u xaddidan tahay.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada Canada.

Dowladaha reer Galbeedka qaarkood ayaa ku cadaadinaya Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in wadahadal la galo kooxda TPLF ee duulaan ku ah magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya, waxaana dowladaha qaar la tuhmayaa in ay qeyb ka yihiin colaada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo saakay dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo Weerar xooggan ku qaaday deegaan ay isku abaabulayeen Al Shabaab

Cabdi Cade

Kaamirooyinka Qarsoon ee lagu xiray Wadooyinka magaalada Muqdisho iyo Qorshaha …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---