Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in uu helay xog ku aadan in ay socdaan qorshe lagu wada hadalsiinayo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab ee diidan jiritaanka dowladda.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay cusbeyd ay diidaneyn in wadahadal la gasho Al Shabaab, waxa uu xusay in hadda dowladda ogolaatay in ay la hadasho kooxda Al Shabaab.
“Anniga xogta aan hayno waxaa weeye dowlada Soomaaliya markii hore way diidanayd ee ay caaboonayd ee ay al-shabaab la dagaalaysay laakiin hadda waa ogolaatay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Siyaasigan ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadahadalada dowladda la galeyso Al Shabaab aan laga dhigin kuwa qarsoon , balse laga dhigo mid Qaran oo ay ka qeyb galaan maamul goboleedyada iyo mucaaradka.
“Waxaan ka baqaynaa in laysku hoosaasiyo, wadahadallo argagixiso lala galay oo laysu hoosaasiyey ayaa jiray, taas ayaan ka baqaynaa sidii ku dhacday dowladdii Afqaanistaan.” ayuu yiri CC Warsame.
Cabdiraxmaan Cbadishakuur Warsame ayaa sheegay in dowladaha Norwey iyo Qatar ay garwadeyn ka yihiin wadahadalka lala galayo Al Shabaab, waxa uuna xusay labadan dal waligoodba rabeen in lala hadlo Al Shabaab.
“Dowladaha Qadar iyo Norwey, waa dowladdo si caadiya u wada in lala hadlo al-shabaab, welligoodna waa wadeen xitaa dowladdii anigu an ka tirsanaa ee madaxweyne Sheekh Shariif, waa noola yimaadeen, waxayna ka shaqeeyaanba in kooxdaas lala hadlo.”ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Hadalka siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Madaxtooyada Soomaaliya beenisay in wadahadal la galeyso Al Shabaab, waxa ayna shuruudo ku xirtay Villa Soomaaliya wadahadal kooxdaasi lala galo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com