Guddoomiye Cumar Filish oo kormeeray Xarumo ku yaalla Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa manta kormeeray Xarunta waaxda dabdamiska ee dowlada hoose Xamar oo kamid ah waaxaha ugu muhiimsan ee dowlada hoose.

Waxaa u kuur galayay sida ay u howlgalaan howlwadeenada waaxdaasi iyo baahiyaha ka jira adeegayada la xariira gurmadka degdega ah ee dab-damiska

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish oo lahadlay madaxda iyo shaqaalaha waaxda dabdamiska iyo waaxda gaadiidka gobolka Banaadir isagoo ku bogaadiyay howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan bulshada caasimada ku dhaqan isagoo intaas kudaray in maamulkiisa uu wax ka qaban doono baahiyaha ay soo gudbiyaan waaxyahaasi.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray xarunta gaadiidka dowlada hoose hoose Xamar iyo xarunta wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed halkaasoo kusoo dhaweeyay maareeyaha guud ee Wakaalada dhismaha Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyadoo kormeerka ay qeyb ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee gobolka.

Masuuliyiinta ayaa kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaruntani oo ay kamid tahay warshadii dhismaha iyo qeybta farsamada kuwaasoo u baahan dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyo si loo xoojiyo mashaariicda lagu horumarinaayo dib-udhiska Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -