Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Khilaaf soo kala dhax galay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf hoose uu soo kala dhax galay Madaxweynaha maamulka Puntland iyo kuxigeenkiisa, khilaafka ayaana ka dhashay isku shaandheyn la filayo in lagu sameeyo golaha Wasiirada.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Puntland ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Karaash isku khilaafeen isku shaandheyn la filayo in lagu sameeyo golaha Wasiirada, waxaana meesha ka bixi doona qaar kamid ah wasiirada hada shaqeeya.

Axmed Karaash ayaa ka dalbaday Madaxweyne Deni in isaga uga dambeeyo wasiirada iyo wasiir kuxigeenada kasoo jeeda beeshiisa, waxa uu sidoo kale ka dalbaday in wasiirada kalana magacaabistooda talo ku yeesho.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday dalabaadka qaar ee  kuxigeenkiisa, waxa uuna Deni ku dooday in isagu xaq u leeyahay in uu soo xulo cida kasoo bixi karta masuuliyada doorka Madaxweyne kuxigeenkiisana ay tahay in kaliya kala tashto.

Magaalada Garawe waxaa hada ka socda dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka soo kala dhax galay Deni iyo Karaash, waxaana khilaafka labadan masuul dib u dhac u keena isku shaandheyn la filayay in wasiirada Puntland lagu sameeyo.

Khilaaf horey usoo kala dhax galay Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulkaasi ayaa sababay in meesha si deg deg ah looga saaro Gudoomiyaha Baarlamaanka lagana qaado xilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir caan ah oo loo qal qaalinayo xabsi lix sanno ah iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Waare Oo la Kulmay Safiirka Qadar Ee Somalia iyo Mas’uuliyiin Kale

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo Shaaciyay in ay qabteen sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---